Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay inuu bilaabanayo howlgal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socon doona bartamaha Soomaaliya


Madaxwayne Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in la bilaabayo howlgal cusub oo ka dhan ah dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee ku sugan Galbeedka Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.


Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay kadib markii uu  gaaray magaalada “Baldwin” ee xarunta gobolka Hiiraan, in sidoo kale uu dagaalku ka bilaaban doono deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galguduud, iyadoo diyaargarow xoogganna uu ka socdo deegaannada maamulka Koonfur Galbeed. iyo Jubbaland.


Waxaa uu intaa ku daray in dowladda Federaalka ay aad ugu faraxsan tahay dadaalka lagu xoreynayo deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, isagoo xusay in Soomaalida aysan nasan doonin inta ay Al-Shabaab ku sugan yihiin meel kasta oo dalka ka mid ah.


Madaxweynaha  ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dib u dhis iyo horumarin ku sameyn doonto dhammaan deegaannada laga saaray Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in dadka deggan dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ay u kaceen sidii ay ay uga hor imaan lahaayeen kooxda Al-Shabaab.


 Waxa uu tilmaamay in ay tahay in la soo afjaro dhibaatadii ay ku hayaan Alshabaab mudada 15-ka sano ah shacabka soomaliyeed, waxa uuna sheegay in guul ay ku soo fool leedahay, isla markaana laga adkaaday dagaalyahanadii Alshabaabka ahaa oo ay awoodi waayeen in ay iska horkeenaan ciidamada dowladda ee ku sugan goobaha dagaalka, waxayna ku qasbanaadeen in ay adeegsadaan qaraxyo.

Post a Comment

0 Comments