Xulka Ingiriiska maxaa ka khaldan

 




Xulka England oo loo tirinayey inuu ka mid yahay dalalka

Xulka England oo loo tirinayey inuu ka mid yahay dalalka haysta saadaasha ugu badan ee ku guulaysiga tartanka dalalka Europe ee Jarmalka ka socda, waxa ay 30-ilbiriqsi ujirsadeen inay ka haraan Euro 2024. Waxa ay ku soo baxeen kaalinta koowaad ee guruubka C laakiin taasi kama dhigna inay ku jiraan waqti fiican, waayo saddexdii ciyaarood ee guruubyada waxa ay badiyeen hal mar oo ay gool iyo waxba uga adkaadeen Serbia,


Labada kulan ee kalana waxa ay bareejooyin la galeen Denmark iyo Slovenia. England saddexdaa kulan waxa ay ku dhaliyeen 2-gool oo kaliya oo ah tiro aad u yar marka loo eego ciyaaryahanada weerarka uga ciyaaraya sida, Harry Kane, Jude Bellingham, Saka, Foden, Watkins iyo Ivan Toney, oo dhammaantood goolal badan kooxohooda u dhaliyey xilli ciyaareedkii dhammaaday.


Xulka saddexda libaax u soo gudbidooda 16-ka ka dib, waxaa la filayey inay wax badan ka baddali doonaan sidii ay u ciyaarayeen kulamadii hore, laakiin taas waxba kama hirgelin; kulankii Slovakia ay la ciyaareen waxa uu isna ahaa mid kale oo ay liiteen gaar ahaana qaybtii koowaad, fursado badan ayaa lagu helay waxaana goolka koowaad ee kulanka daqiiqadii 25’aad ka dhaliyey Ivan Schranz.


Joe Hart oo ahaa gool-hayihii hore ee xulka England daawashada

Joe Hart oo ahaa gool-hayihii hore ee xulka England daawashada qaybta koowaad ee kulankan waxa ay maskaxdiisu ku xiriirisay ciyaartii ay Iceland ku reebtay isla tartankan 2016-kii, Gary Neville isna waxa uu yiri kulankani waxa uu leeyahay saan-saantii ciyaartii Iceland


Tababare Gareth Southgate ciyaarta ka dib waxa uu yiri “Qaybtii hore aad ayaan ula gaabinaynay kubadda, iyaguna (Slovakia) waxa ay ahaayeen kuwa dhexda si adag u jooga


Soo laabashada qaybtii labaad England waxa ay siyaadisay cadaadiska waxaana dhaq-dhaqaaq tamareed kusoo kordhiyey shaxdooda, beddelkii la sameeyey ee uu ka mid ahaa Palmer. Dhammaadkii ayuuna Jude Bellingham uu ka soo celiyey goolkii lagu lahaa, 


waxaana goolkaasi ay noqonaysaa abid gooshii ugu daqiiqadaha danbaysay ee ay ka dhaliyaan Engiriisku tartamada Europe. Goolkaasi wax wayn ayuu u ahaa oo inay haraan ayuu ka furtay. Maadaama ciyaartu ay ku dhammaatay goolal isla eg waxaa lagu daray 30-daqiiqo oo dheeri ah, daqiiqad ka yar qaybtii koowaad bilaabashadeeda ayuuna goolka guusha u dhaliyey Harry Kane.


Slovakia waxa ay qaybaha danbe ee kulanka samaysay isku dayo badan oo ay qaybtood ugu dhawaatay inay gool ku dhaliso lakiin uma suuroobin Gary Neville oo horay ugu soo ciyaaray England waxa uu ciyaarta ka dib yiri sidan in aanu uciyaarno tartan hal bil soconaya, waa wax aan la rumaysan Karin”.


Waa sida cid walba u muuqata oo wax wayn ayaa ka khaldan xulkan xiddigaha badan ee heerka caalami wata. Qodobada la xusi karo ee aan u toosin Southgate waxaa ka mid ah qaab ciyaareedka.


Weli ciyaaryahanadiisu ma soo bandhigin ciyaar qaab dhismeed horusocod ah leh, handadaad dhalin samayn karta, difaacasho adag leh, dhex kubadda haysa oo fursado badanna abuurta leh.


Shaxdan waa cel-celis ciyaaryahanada England

Shaxdan waa cel-celis ciyaaryahanada England boosaska ugu badan ee ay joogeen kulankii Slovakia, waxaa kuu muuqanaysa in weerarkoodu uu saaran yahay dhexda oo aysan horay u dhaqaaq lahayn, sababtuna waa garbaha oo aan helin qorshe wacan oo ay ku abuuri-karaan culaysyo gadaal u dhaqaajin kara difaacyada.


Foden, Jude iyo Harry Kane iyaguna sida sawirkan ka muuqata way is-dul saaran yihiin waxana ay taasi yaraysay khatarta ay abuuri kareen, dad badan ayaa u arka in Bellingham gadaal uu ku fiicanyahay in loo celiyo, lambar 10-na la saaro Foden oo awood u leh inuu fursado badan abuuro, garabka uu joogana uu ku fiican yahay in la saaro ciyaaryahan soo xaroon kara sida Anthony Gordon oo kale.


England kulanka soo aadan waxa ay la leedahay Switzerland waxaana uu tababare Southgate uu sheegay in kulankaasi uu yahay mid ka khatar badan kii ay Slovakia la ciyaareen, waxana uu yiri “Farsamo ahaan waa kulan adag, waxa ay tahay in aan heerkanaga kor usoo qaadno”.


Post a Comment

0 Comments