Warbixin sanadeedka 2024, ee horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya oo la…

 



Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay warbixin sanadeedka 2024, ee horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya.


Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ayaa sheegay in Soomaaliya gaartay horumar dhaqaale oo la taaban karo iyada oo guul laga gaaray dhanka maamulka maaliyadda, kobcinta dakhliga dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.


Mudane Saalax ayaa tilmaamay in hirgalinta

Mudane Saalax, ayaa tilmaamay in hirgalinta nidaam maaliyadeed oo hufan uu kaalin weyn ka qaadanayo xoojinta dakhliga hey’adaha dowladda. Waxa uunna xusay in loo baahan yahay in saldhig looga dhigo maamulka maaliyadda dalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo Xukuumadda DanQaran hirgalisay.


Dowladda Soomaaliya, ayaa ku faanta in dalka laga sameeyay is beddel weyn oo dhaqaale, saas oo tahay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka cabanayaan dhaqaallo darro iyo shaqo la’aan aad u baahsan, waxaana sidaasi ;a dareemay inta uu xilka hayo Madaxweyne Xasan Sheekh.


Post a Comment

0 Comments