Madaxweynaha xaq ma u leeyahay in uu xusho cidda uu la tashanayo ?

 



Dowladdu xil ayey bixisaa, waa qaaddaa

Dowladdu somaliya xil ayey bixisaa, waa qaaddaa, waana diiddaa, laakiin mucaaradnimadu xil la bixiyo, ama jago la kala xigsan karo maaha, waa hawl u furan siyaasi kasta oo u soo tafaxayta.


Keliya waxay u baahan tahay in bulshada loo iftiimiyo dhaliilaha xukuumadda ee ku takrifalka awoodda, iyo hantida dowladda, eexda, iyo musuqa, masuuliyadda ay ka gaabisayniyo sida ugu habboon ee ay tahay in ay u qabato.


Madaxweynuhu awood ma u leeyahay in uu xusho cidda uu la tashanayo

Madaxweynuhu awood ma u leeyahay in uu xusho cidda uu la tashanayo? Haa waa u leeyahay, waa kan haatanba la tashanaya xubnaha xisbigiisa, wasiirrada xukuumaddiisa iyo taageerayaashiisa kale, laakiin mucaarad kuma jiro jagooyinka ay xukuumaddu bixiso, sidaa darteed Madaxweynuhu mucaaradkiisa ma dooran karo.


Madaxweynuhu Soomaaliya Doorasho qof iyo cod ah miyuu rabaa? Jawaabtu waa maya, sababtoo ah sharcigiisa doorashada wuxuu dhigayaa in kuraasta Baarlamaanka qabiillada loo xiro oo qof aan ahayn qabiilkii kursiga lahaa loo dooran karin, sidaas daraadeed weli waa doorasho dadban.


In halkii la joogay horay looga socdo oo aan doorashadii 2022

In halkii la joogay horay looga socdo oo aan doorashadii 2022 dib loogu noqon sax miyaa? Haa, laakiin sidee? Waa hawl u baahan madal wada-xaajood oo loo dhanyahay.


Madaxweynaha talo la’aan ma hayso, talo waxaa ugu filan intii uu shantii sano ee uu mucaaradka ahaa siinayey Madaxweynihii isaga ka horreeyey. Wuxuu u baahan yahay in dhowrka bil ee muddo xileedkiisa ka harsan uu ka faa’iidaysto oo uu ku dhac iyo go’aan geesinimo leh dhabta ku wajaho, wada-xaajood la galo mucaaradka iyo maamullada ay ismaandhaafsan yihiin, si xal waara loo gaaro.



Post a Comment

0 Comments