Madaxweyne Deni oo booqday askar dhaawacan oo Adis Ababa lagu daweenayo

 




Madaxweynaha maamulka Puntland H.E Said Abdullahi Deni

Madaxweynaha maamulka Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa Isbitaal kuyaalla Adis Ababa ku booqday ciidamo katirsan Puntland oo kusoo dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo maamulka Deni caafimaad ahaan ugu dirtay dalka Itoobiya.


Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay guddiga

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay guddiga, saraakiisha iyo dhakhaatiirta gacanta ku haysa ciidanka soo dhaawacmay, wuxuuna ku adkeeyay in halkaasi laga sii wado daryeelka iyo daaweyntii ciidanka, iyadoo dhaawacyada wax looga qaban waayay Itoobiya loo gudbiyay India .


Hawlgalka ka socda buuraha Calmiskaad

Hawlgalka ka socda buuraha Calmiskaad , ayaa gaaray guulo waaweyn, waxaana hadda dhammaad ku dhow hawlgalka Hillaac ee ka socda Calmiskaad iyadoo uu ku xigo Hawlgalka Onkod ee Buuralayda Calmadow .


Dagaalka ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad , ayaa waxaa kasoo gaaray khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxa ayna Puntland guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagaxisada.



Post a Comment

0 Comments