Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf Jibriil oo ka soo jeeda degaannada maamulka Puntland
Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf Jibriil oo ka soo jeeda degaannada maamulka Puntland, ayaa ku eedeeyay maamulka Villa Soomaaliya in ay colaad ka abuurayaan Puntland, gaar ahaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo .
Waxa uu sheegay Cabdibarre in mas’uuliyiin u dhashay Puntland oo xilal ka haya dowladda Xasan Shiikh ay Gaalkacyo ka abaabulayaan maleeshiyaad hubaysan, si ay qalalaase amni uga sameeyaan magaalada kaddib markii Villa Somalia u xilsaartay qorshahaasi.
Xasan Shiikh awood uu Puntland ama Gaalkacyo ku soo weeraro ma hayo
Xasan Shiikh awood uu Puntland ama Gaalkacyo ku soo weeraro ma hayo, laakiin wuxu adeegsanaya shakhsiyaad calooshood u shaqaystayaal ah oo qanjir ku noqday Puntland kuwaasi oo lacago lagu soo siiyay barakicinta dadkooda iyo burburinta magaaladooda Gaalkacyo,
waana kuwa u dhashay Puntland ee xilalka u haya Villa Somalia ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf Jibriil.
Hadalkan xildhibaankan hore ayaa kusoo aadaya
Hadalkan xildhibaankan hore ayaa kusoo aadaya xilli waqooyiga Gaalkacyo laga dareemay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada daacada u ah qoyska reer Diyaano,
waxa ayna arrimahan imaanayaan xilli dowladda Federaalka raadineyso albaabo ay ka gasho Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo.
0 Comments