Sababaha keena dhaawacyada ka dhaca garoomada kubbadda lagu ciyaaro ee Hargeysa

 



Waxaa kordhayey bilihii u dambeeyey

Waxaa kordhayey bilihii u dambeeyey dhaawacyada kala duwan ee ka dhasha garoomada yaryar ee roogga la dhigo ee ku yaala Magaalada Hargeysa, halkaas oo dadka ku cayaara iyo dhallinyarada cuslaatay ee hilibka iska ridaya ay ku ciyaaraan xilliyada gelinka dambe iyo habeenkii.


Dhaawacyo isugu jira jabniin dhinaca lugaha, gacmaha iyo weliba kuwo halis ah oo dhinaca lafdhabarta ah, ayaa ka dhaca Garoomada xilliyada ciyaaruhu socdaan, iyada oo dadkan garoonka qaarkood laga dhex qaado iyaga oo aan socon karin.

Waxa magaalada Hargeysa ku soo batay 10 sano

Waxa magaalada Hargeysa ku soo batay 10 sano ee u dambeeyey garoomo yaryar oo la dhigay roogga ama doogga macmalka ah ee la dhigo garoomada adduunka ee kubadda cagta lagu ciyaaro.


Garoomadan casriga ah ee wakhtigan lagu ciyaaro ayey Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaruhu ku qiyaastaa kuwa ku yaala Hargeysa in tiradoodu gaadhayso in ka badan boqol garoon, sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin.


Garoomadan oo ah kuwo dhererkooda

Garoomadan oo ah kuwo dhererkooda iyo balacooda lagu qiyaaso 30 meter, oo markiiba ay ku ciyaari karaan laba kooxood oo ka kooban mid toddoba ciyaartoy, marmarka qaarkoodna min lix ciyaartoy kooxdiiba,


sida uu BBC-da u sheegay maamulaha garoonka Cali Gadhle ee ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa Xasan Cawaale Xayd.


Post a Comment

0 Comments