Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka baarlamaanka iyo guuxa mooshinka

 

Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka baarlamaanka iyo guuxa mooshinka


Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta daah-furo kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka Soomaaliya, maadaama ay fasax ku maqnaayeen labadii bilood ee lasoo dhaafay.


Khudbad xasaasi ah ayaa madaxweynuhu ka jeedin doonaan xarunta baarlamaanka, isaga oo ka hadli doono arrimaha siyaasadda, amniga, doorashooyinka, dagaalka Al-Shabaab iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee furitaanka baarlamaanka

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee furitaanka baarlamaanka ayaa haatan ka socoto xarunta Villa Hargeysa, waxaana kusii qul-qulaya xildhibaannada labada gole.


Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Xasan Nuux oo ka hadlay furintaanka kulamadooda ayaa sheegay in kalfadhigan uu ka duwanaan doono kuwii hore, isla markaana lagu dhameystiri wax ka beddalka dastuurka iyo doorashooyinka dalka.


Waxaan fileynaa in kalfadhigan 6-aad uu noqdo mid ka duwan kuwii hore, waxaana lagu dhameystirayaa qaybaha kale ee habraaca Dastuurka.” ayuu yiri Habdhowraha Golaha Shacabka.


Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay jiraan xeerar kale oo muhiim ah oo kasoo gudbay xukuumadda, kuwaas oo ay go’aan ka gaari doonaan xubnaha baarlamaanka.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay wararka sheegaya inuu socdo

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay wararka sheegaya inuu socdo qorshaha mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha oo la sheegay inay wadaan xildibaanno ka tirsan baarlamaanka.


Habdhowraha ayaa xaqiijiyay in illaa hadda aanu golaha soo gaarin wax mooshin ah oo xilka qaadis ah, wararkaasina ay yihiin kuwa ku eeg uun warbaahinta oo kaliya


Mooshin soo gaaray guddoonka ma jiro, laakiin waa wax ka socda Media-ha, waxaana is leeyahay xildhibaanka mar kasta xaq ayuu u lahaanayaa inuu mooshin keeno, laakiin illaa iyo hadda wax aan ka war heynaa ma jiro” ayuu mar ka yiri Habdhowraha.


Furitaanka baarlamaanka ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan Villa Soomaaliya, qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo xubnaha mucaaradka.


Post a Comment

0 Comments