Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Imaaraadka iyo dal kale

 

Wararka ka imanaya Muqdisho

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka Somaaliya oo khamiistii lasoo dhaafay yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo uu ku jiro heshiis cusub oo dhawaan lala soo galay dowladda Imaaraadka Carabta.

Heshiisyadan ayaa waxay kala yihiin

Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa looga dhageystay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan duufaannada la saadaalinayo inay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyi-gelin lahaa.

Sidoo kale, wasaaradaha amniga hudaha iyo gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo guulihii howl-gallada lagu sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Heshiisyada ay mudooyinka danbe soo galayso DF

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo galeysay heshiisyo caalami ah, waxaana ugu dambeeyay kan difaaca ee ay lasoo gashay dowladda Turkiga.

Post a Comment

0 Comments