Cirro oo shaaciyay in uu ka qeyb qaadanayo xal u heli xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya

 

Cirro oo shaaciyay in uu ka qeyb qaadanayo xal u heli xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya



Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo maanta khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda 18 May, ayaa hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo qorshaha ay ku doonayaan madaxbannani.


Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in maamulkiisa Somaliland diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato xal u helida xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya xilligan ka taagan, ayna gacan ka geesanayaan sidii xal loogu heli lahaa xaaladaha cakiran ee Soomaaliya xilligan wajaheyso.


Waxa aanu ku kalsoonnahay Jamhuuriyadda Somaliland oo qaran madaxbannaan ah

Waxa aanu ku kalsoonnahay Jamhuuriyadda Somaliland oo qaran madaxbannaan ahi, inay wax badan ka qaban karto xal u helidda dhibaatada Soomaaliya haysata Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo maanta khudbad jeediyay.


Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa buuxiyay

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa ayna dalal badan oo caalamka ah gaarsiiyeen codsi ku aadan aqoonsi lasiiyo si ay u noqdaan dowlad buuxda oo madaxbannaan.


Maamulka Somaliland oo is beddel siyaasadeed uu ka dhacay  ayaan wali helin aqoonsi , waxa ayna maamulkan si weyn u doonayaan in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale ayna noqdaan dal madaxbannaan.




Post a Comment

0 Comments