Shanta xiddig ee ilaa caawa u kala wareegi kara kooxaha Yurub

 




Saacado kooban ayaa ka dhiman xilliga uu xirmayo suuqa kala iibsiga

Saacado kooban ayaa ka dhiman xilliga uu xirmayo suuqa kala iibsiga xiddigaha kubbadda cagta ee shanta horyaal ee ugu weyn Yurub. Waxaa ugu hor xirmi doona suuqyada horyaallada Ingiriiska, La Liga Spain iyo Ligue 1 France.


Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa suuqa ku farraqay lacag badan si ay u helaan saxiixa xiddigo wax weyn ku soo kordhin kara kooxahooda cusub.


Kooxaha horyaalka Ingiriiska oo keliya oo suuqoodu uu xirmayo saacado kaddib ayaa kharash-gareeyay lacag dhan 1.5 bilyan oo gini saddexdii bil ee uu furnaa suuqa.Lacagtaas waa qiimaha ugu sarreeya abid ee kooxaha Ingiriiska ay ciyaartoy kula soo wareegaan hal xilli-ciyaareed.


Rikoorkii ka horreeyay waxaa la diiwaangeliyay 2017-kii. Qiimahaas ayaa ahaa 1.43 bilyan oo gini. Sidaas oo ay tahay, waxay weli lacagtaas ka badan tahay 1.44 bilyan oo gini oo ah lacagta kooxaha horyaalka Ingiriiska ay ku bixiyeen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda sanadkii hore oo dhan.


Weli waxaa la filan karaa lacagtaas inay intaas aad uga sare-kacdo saacadaha dhiman ee suuqa

Weli waxaa la filan karaa lacagtaas inay intaas aad uga sare-kacdo saacadaha dhiman ee suuqa. Haddaba, shan ciyaartoy ayaa ka mid ah kuwa sare-u-qaadi kara lacagaha xilli-ciyaareedkan lagu bixiyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.  

1. Pierre-Emerick Aubameyang


Waxa uu ahaa kabtanka kooxda Arsenal isaga oo la shaqeeyay tababare Mikael Arteta kahor inta uusan ku biirin kooxda Barcelona horraantii sanadkan. Hab-ciyaareed wanaagsan ayuu kula billowday kooxda ku dheesha garoonka Camp Nou, isaga oo u dhaliyay saddex iyo toban gool, una sameeyay hal caawin labaatan kulan oo uu saftay.


Laakiin, waxaa fursadihiisa safka koowaad ee Barcelona hoos u dhigay imaanshiyaha weeraryahankii horyaalka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski. Haddaba, Aubameyang waxa uu u dhow yahay in uu dib ugu noqdo horyaalka Ingiriiska, isaga oo markan ku biiraya kooxda Chelsea.


Barcelona waxay ugu horreyn dalbatay 25 milyan oo gini, laakiin gorgortanku waxa uu hadda marayaa 10 milyan oo gini. Waxaa suurtagal ah in uu xitaa amaah ahaan uga tago Barcelona.


2. Marcos Alonso

Muddo dheer oo uu la joogay kooxda Chelsea kaddib, xiddigan difaaca bidix ayaa la filayaa in uu u wareego horyaalka La Liga kahor gabbal-dhaca, si loogu diiwaangeliyo kooxda Barcelona kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.


Wadahadalka u dhaxeeya Chelsea iyo Barcelona waxa uu muujinayaa in uu qeyb ka noqon karo heshiiska uu Pierre Aubameyang ugu biirayo Chelsea. Waxaa sidoo kale la filayaa in kooxda horyaalka Ingiriiska ay bixin karto 10 milyan oo gini iyo Marcos Alonso si ay u hesho Aubameyang.


3. Cristiano Ronaldo


Waxay u eg tahay in uusan ku sii negaan doonin Old Trafford

Waxay u eg tahay in uusan ku sii negaan doonin Old Trafford, halkii uu magaca ka sameeyay kahor inta uusan ku biirin Real Madrid. Ma cadda mustaqbalka ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay xiddiga kabbadda cagta ee ugu wanaagsan dunida, iyada oo la og yahay in uusan ku soo billaaban labo kulan oo xiriir ahaa oo ay Manchester la ciyaartay kooxaha Liverpool iyo Southampton.


Tababare Erik Ten Hag waxa uu sheegay in Ronaldo uu qeyb ka yahay qorshahiisa, laakiin saacadaha ka dhiman suuqa ayaa wax badan beddeli kara.


Xiddigga Portugal waxay u eg tahay inay ka go’an tahay in uusan ka maqnaan Champions League, horyaalkaas oo aysan sanadkan qeyb ka ahayn kooxdiisa Manchester United. Kooxda Sporting CP oo uu carruurnimadiisa qeybta ka ahaa ayaa u muuqata tan keliya ee danaynaysa qorshe dib loogu soo celiyo horyaalka Portugal.


4. Cody Gakpo

Waxa uu ka mid yahay xiddigaha aad loo baadigoobayo. Waxaa ku tartamaya kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Juventus. Xiddigan garabka uga ciyaara kooxda PSV ee horyaalka Holland waxaa sidoo kale danaynaya kooxaha Leeds United iyo Southampton, kuwaas oo u eg inay dalabkooda mar hore u gudbiyeen kooxda PSV. Waxaa socda wada xaajood la xiriira lacagta lagu iibinayo.


5. Sergino Dest

Sergiño Dest wuxuu tijaabada caafimaadka u marayaa AC Milan, kaddib markii uu heshiis dhex maray iyada iyo Barcelona, sida uu qoray weriyaha ku caan-baxay wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Fabrizio Romano. Hase yeeshee, weli si rasmi ah looguma dhawaaqin heshiiskaas.


Xiddigan dhib kuma qabin safka hore ee kooxda Barcelona intii uu hoggaanka hayay Ronald Koeman. Laakiin, waxaa yaraaday fursadahiisa safka hore ee kooxda wixii ka dambeeyay markii uu Xavi la wareegay macallinnimada kooxda Camp Nou. Hal ciyaarna kama uusan soo muuqan xulka koowaad ee Barcelona xilli-ciyaareedkaas. Waxaa sii quusiyay imaashiyaha Jules Kounde, oo kusoo biiray difaaca kooxda.


Waxaa la sheegay in kooxaha Manchester United ee ka dhisan Ingiriiska Villareal oo Spain ah ay sidoo kale daneynayeen saxiixa ciyaaryanka.


Mario Balotelli


Weeraryahankii reer Talyaani ee mar u ciyaaray kooxaha Manchester City iyo Liverpool, Mario Balotelli isna waxaa lagu wadaa in uu maanta ku biiro kooxda Swiss ka dhisan ee FC Scion. Waxay noqoneysaa kooxdii 11aad ee uu u safan doono xiddigan.


Post a Comment

0 Comments