Maxamed Farax wuxuu billado dahab ah u soo hooyay Britain
16 Disembar 2019
Waa la cusbooneysiiyay 12 Luulyo 2022
Maxamed Farax oo u orda Britain, walaakii ka yar ayaa dib loogu celiyay Jamhuuriyadda Iskeed Madax-bannanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, "halkaas oo uu hoy la'aan ku yahay", sida uu qoray wargeyska Mirror ee ka soo baxa UK.
Axmed farax waxaa UK laga soo musaafuriyay sannadkii 2016-kii ka dib markii xabsi laga sii daayay, sida wargeyskaas uu ku soo bandhigay wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Mo Farax walaalkii.
Dowladda UK waxay musaafurin kartaa dadka ajaaniibta ah waa haddii ay xabsi galaan in ka badan 12 bilood. Illaa 45 kun oo qof oo dembiyo kala duwan geystay ayaa Britain laga musaafuriyay tan iyo 2010-kii.
Axmed Farax wuxuu xabsi ku jiray afar sano iyo bar ka dib
Axmed Farax wuxuu xabsi ku jiray afar sano iyo bar ka dib markii uu ku lug yeeshay weerar mindi, sida wargeyska Mirror uu ku warramay. Maxamed Farax wuxuu billado dahab ah u soo hooyay Britain 16 Disembar 2019 Waa la cusbooneysiiyay 12 Luulyo 2022
Maxamed Farax oo u orda Britain, walaakii ka yar ayaa dib loogu celiyay Jamhuuriyadda Iskeed Madax-bannanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, halkaas oo uu hoy la'aan ku yahay", sida uu qoray wargeyska Mirror ee ka soo baxa UK.
Axmed farax waxaa UK laga soo musaafuriyay sannadkii 2016-kii ka dib markii xabsi laga sii daayay, sida wargeyskaas uu ku soo bandhigay wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Mo Farax walaalkii.
Dowladda UK waxay musaafurin kartaa dadka ajaaniibta ah waa haddii ay xabsi galaan in ka badan 12 bilood. Illaa 45 kun oo qof oo dembiyo kala duwan geystay ayaa Britain laga musaafuriyay tan iyo 2010-kii.
Axmed Farax wuxuu xabsi ku jiray afar sano iyo bar ka dib markii uu ku lug yeeshay weerar mindi, sida wargeyska Mirror uu ku warramay. Mirror ayaa soo xigtay isagoo sheegaya in uusan aqoon u lahayn Soomaaliya, uusanna haysan lacag uu nolol cusub ku bilaabo.
Waa baqayay Waxaa la igu soo dhex tuuray meel shisheeye ii ah aniga
Waa baqayay. Waxaa la igu soo dhex tuuray meel shisheeye ii ah aniga. Amakaag ayey hannaaka ku noqotay. Qorshe dhan ma lahayn iyo wax la mid ah, shilinna ma haysan, mana haysan qoys i daryeela ayuu yiri. Muddo waxaan deganaa hotel. Ugu dambeyn waxaan helay adeer gurigiisa i geeyay. In muddo ah ayaan la noolaa.
Hadda marba meel baan seexdaa, mana jirto meel aan ku tilmaami karo gurigeyga. Qoyskeyga waxaan u jiraa masaafo 4,000 oo mile ah. Qoyskeyga ma arag seddax sano. Hooyadeey, walaalkey, dhiigeyga".
Mo Faarax oo qalab muhiim ah looga xaday Itoobiya
Mo Farah: Wax khalad ah ma sameyn
Mo Farax oo lagu qashqashaaday Jarmalka
Sida uu wargeyska Sunday Mirror qoray, Axmed farax waa 30 sano jir. Wuxuu sheegay in uusan dooneyn beer-jileec, balse uu rabo in fursad labaad la siiyo oo uu ku muujiyo in uu isbedelay.
Wargeyska wuxuu qoray in Axmed uu hadda ku nool yahay magaalada Burco, ee Somaliland. "Waxaan sameeyay qalad weyn, balse maxay tahay sababta laba goor la iigu ciqaabayo wax aan sameeyay?" ayuu u sheegay wargeyska Mirror.
Xasuus: Waxaa sheegadan la daabacay sanaddii 2019-kii
0 Comments