Alle ha u naxariistee Ibraahim Mascuud Cali oo ahaa ciyaaryahan Soomaaliyeed
Alle ha u naxariistee Ibraahim Mascuud Cali oo ahaa ciyaaryahan Soomaaliyeed oo u ciyaarayey kooxda Gaadiidka ee ka dhisan magaalada Muqdisho, isla markaana isu diyaarinayey ka qaybgalka isreebreebka tartanka koobka xiriirka Afrika (CAF), ayaa shalay meydkiisa laga helay xeebta magaalada Muqdisho oo saddex maalmood laga baadi goobayey.
Sida uu noo sheegay Zakariye Cabdi Abshir oo ah xoghayaha guud ee naadiga Gaadiidka, ciyaartoyda kooxda ayaa xaraysnaa maaddaama ay koob caalami ah isu diyaarinayaan waxayna layli u joogeen xeebta goorta ay baddu qaadeysay ciyaartoyga.
Kumuu ahaa Ibraahim Mascuud Cali?
Ibraahim waa 22 jir ku dhashay magaalada Muqdishu sannadku markuu ahaa 2001. Sida aan kasoo xigannay Zakariye Cabdi oo ah xoghayaha kooxda Gaadiidka oo Ibraahim markii u dambeysay ka tirsanaa, Ibraahim wuxuu ahaa ciyaaryahan wax bartay oo dhammeeyay heerka kowaad ee jaamacadda. “sida ay qoyskiisu noo sheegeen waa ciyaaryahan wax bartay, dugsi hoose dhexe illaa heer jaamacadeed, weliba uu dhawaan ka qalin jabiyey jaamacadda,” ayuu yiri Zakariye.
Wuxuu ciyaaraha kasoo bilaabay meel hoose isaga oo kooxa kala duwan usoo ciyaaray, sida kooxaha Muqdisho ee Geeska Afrika iyo Heegan. Ibraahim wuxuu kusoo guuleystay tartankii maamul-goboleedyada iyo gobolka Benaadir iyo horyaalka heerka labaad oo uu kula guuleystay kooxda Geeska Afrika.
Ibraahim wuxuu ka ciyaarayey lambarka shanaad oo ah difaaca dhexda isaga oo kaalintan ugasoo ciyaaray kooxda Heegan isla markaana isu diyaarinayey in uu ka qayb galo tartan calami ah oo kooxdiisa cusub ay la ciyaari doonto horyaallada Afrika.
Wuxuu Zakariye ammaanay qaab ciyaareedkiisa isaga oo sheegay in sababta ay u keensadeen tahay ciyaartiisa oo fiican. Kooxda Geeska Afrika ayuu usoo ciyaaray oo uu lasoo qaaday horyaalka heerka labaad kadibna kooxda Heegan ayuu ku biiray kadibna kooxda Gaadiidka ayuu kusoo biiray afartii July.
Guulahan wuxuu gaaray intii uu u ciyaarayey kooxda Geeska Afrika
Guulahan wuxuu gaaray intii uu u ciyaarayey kooxda Geeska Afrika, “wuxuu u ciyaarayey kooxda Geeska Afrika oo hadda ka dheesha horyaalka heerka labaad, markaasna waxaa macallin u ahaa macallinka hadda jooga kooxda Gaadiidka, markii gobolka Benaadir uu ku guuleysanayeyna waxaa joogay isla macallinkan Daadir Amiin, markii saddexaad ee uu macallinkiisa kulasoo midoobey kooxda Gaadiidkana tiisaa dhammaatay oo ajashiisaa intaa ku ekayd,” ayuu yiri Zakariye.
Kooxda Gaadiidka oo sida uu BBC-da u sheegay Zakariye, wax ka yar hal bil oo kaliya uu Ibraahim la joogay, ayaa kasoo qaadatay naadiga Heegan, wuxuu Zakariye sheegay in Ibraahim ahaa “nin deggan oo asluub badan oo cibaado badan oo aad u fiican ayuu ahaa, sababta naadigu kosoo qaatay ayeyna ahayd, waadna dareemi karta tartan culus oo heer calami ah ciyaaryahanka loosoo xushay ma aha wax fudud,” ayuu yiri Zakariye Cabdi, xoghayaha guud ee kooxda Gaadiidka.
Ibraahim ayaa kooxda Gaadiidka u ciyaaray oo kaliya kulamo saaxiibtinimo oo ay la galeen kooxaha horyaalka Jeneraal Daa’uud oo hadda ka socda Magaalada Muqdisho.
Kooxda Gaadiidka ayaa 18-ka bisha Agoosto u amaba baxaysa ka qayb galka tartanka isreebreebka horyaallada Afrika. Ibraahim wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda ay kooxda Gaadiidka oo Soomaaliya matalaysa dooneysay in ay ku wajahdo kooxaha Afrika.
Wuxuu u diyaar garoobayey safarka aan baxeyno bishan soo socota, kooxdana waa xareysneed, waxay ku xareysneed xerada farsamada ee garoonka jaamacadaha xiriirka kubadda cagtayna ku xaraysnay,” ayuu yiri Zakariye oo ka hadlayey tartanka ay kooxda Gaadiidka isu diyaarinaysay.
0 Comments