Muxuu Wasiir Fiqi kala hadlay dhigiisa dowlada Qatar?

 




Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Doha ee dalka Qatar, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Dawladda Qatar, Mudane Sheekh Saacad bin Cabdiraxmaan bin Xasan Aal Thaani.


Labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka difaaca iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidan ee Soomaaliya.


Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal


Waxaa sidoo kale kulanka lagu adkeeyay xiriirka xooggan

Waxaa sidoo kale kulanka lagu adkeeyay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyo sida ay uga go’an tahay labada dhinac horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.


Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dadaallada loogu jiro nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.


Post a Comment

0 Comments