Ajnabiga Soomaaliya nolasha wanaagsan u soo doontay ee Baydhabo guusha ka soo hooyay

 




Soomaaliya oo ah dal kasoo kabanaya colaado sokeeyay ayaa qaar badan

Soomaaliya oo ah dal kasoo kabanaya colaado sokeeyay ayaa qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaliyeed waxaa ay u qaxeen dalalka aduunka si ay uga helaan nola ka wanaagsan tan Soomaliya ay ku haysteen. Taas badalkeeda Soomaaliya waxaa yimaada dad u dashay dalalka kale ee aduunka kuwaaas oo biday noolal ka wanaagsan tii ay ku haysteen dalkooda.


Zakariye Isxaaq oo ah 28 jir ah u dashay dalka Ghana ayaa ka mid ah dadka Soomaaliya u soo doontay shaqo, si uu u helo noolal ka wanaagsan tii uu ku haystay dalkiisi hooyo sida uu BBC-da u sheegay. Intii aan joogay Soomaaliya waxaan dareemaya in aan joogay dalkaygii hooyo oo kale, waayo dadka dhan waa kuwa gacan isiiya marka kast oo aan u baahado”. Ayuu yir Zakariye oo BBC-da u waramayay.


Sidee ku dareemaa gudaha Soomaaliya?

28 jirkaan ayaa yimid Soomaaliya Sanadkii 2018 -kii waxa uu u ciyaaray kooxo kala duwan oo ka mid ah horyaalka ciyaaraha Soomaliya, isaga oo qeyb ka ahaa guushii ay dhaawaan garaan kooxda Takadaha FC oo ku guuleystay ciyaartii Baydhabo lagu qabtay. Mar kasta oo aan gool dhaliyo waxan dareema faraxad iyo in aan gaaray taariikh” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Waxaa uu sheegay in gudoomiyaha naadiga Elman Cabdirisaaq Faarax uu ka caawiyay in Soomaliya uu yimaado, kadib safar gudoomiyaha uu ku tagay dalka Ghana halkaas oo ay ku kulmeen labadoodu.


Zakariye Isxaaqa waxaa uu sheegay in kooxo kala duwan uu soo ciyaaraya isla markaan uu Soomaaliya ka sameeyay nolal wanaagsan . Waxaan hadda u ciyaara naadiga Dakadaha FC ka hor waxaan u soo ciyaaraya Ilaman iyo Muqdisho City oo dhamaan ahaa kuwa aad u wanaagsan”.


Dhamaan kooxaha uu usoo ciyaar ayuu sheegay in guul u soo hooyay.


Waxa uu sheegay in billowgii markii Soomaaliya uu imaanayay - sanadkii 2018kii - uu cabsi dareemi jiray, balse hadda ay Soomaaliya nabad tahay oo aysan jirin wax laga baqo. Waxay u egtahay inuu haatan la qabsaday joogitaan gudaha Soomaaliya


Inkast oo magalada Muqdisho qarax ka dhaco mararka qaar, laguna tiriyo magaalooyinka halista badan ee Afrika, hadana Zakariye Isxaaq waxaa uu aaminsan yahay in amanka Soomaaliya uu la mid yahay kan dalkiisa Ghana.


Banaanka iyo magaaladda ayaan aadaa, ma jiraan wax cabsi ah oo aan dareemo. Dadka oo dhan waa igu farxaan oo waa dad wanaagsan oo islaamka jecel” ayuu BBC da u sheegay.


Mudada uu joogay Soomaaliya ayuu bartay in badan oo luuqada Soomaaliga ah, taas oo u suuragalisay in dadka Soomaalida ah la sheekeysan karo. Xitaa wareysiga aan la yeelanay ayuu ku hadlayay luuqadda Soomaaliga. Wuxuu tilmamay in taas ay sare u qaaday in uu sifiican uu u dhex galo bulshada Soomaaliyeed.


Afka Soomaaliga wax fiican ayaan ka aqaan oo dadka ayaan kula hadal waxaan ay ii fudueeysay xariirka bulshada, Inta badan wararka Soomaaliya ku saabsan ee ay baahiyaan warbaahinta ayaa la xiriira amni darro, taas ayaa mararka qaar walwal galisa waalidiinta dhalay Zakariye oo waydiiya inuu isaga tago Soomaaliya.


Maalin kast waan la hadalaa walidiintayda oo waxaan u sheegaa in Soomaliya ay nabad tahay oo ay ad u wanaagsan tahay," ayuu raaciyay hadalkiisa. Xirfada ciyaarta ayuu sheegay in xilli hore uu soo bilaabay oo uu kasoo ciyaray xariirka kubada cagta ee dalka Ghana. Ma ahan Zakariye oo kale balse waxaa jirta ciyaartooy kale oo badan kuwaas oo ka ciyaar horyaladda kala duwan ee Soomaaliya.


Post a Comment

0 Comments