Madaxweynaha Jubaland maamulka Jubbaland
Madaxweynaha Jubaland maamulka Jubbaland , Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaninayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe waxaa kusoo dhaweeyay Axmed Madoobe iyo wafdiga la socday madaxda maamulka Puntland iyo sidoo kale qeybaha kala duwa ee bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa shir gaar ah ku yeelanaya magaalada Garoowe, kaasi oo ay kaga arrinsanayaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii dalka iyo muranka doorashooyinka 2026.
Kulanka labada dhinac ee Garoowe ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno ku saabsan mowqif midaysan Puntland iyo Jubaland ka istaagaan khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii KMG ahaa ee dalka iyo sidoo kale khilaafka doorashooyinka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe qorshaynayaan in mucaaridka Muqdisho lagu casumo Garoowe, si loo qabto shir ku saabsan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu horrayso doorashada Madaxtinimada dalka ee 2026.
Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo 27 bishii hore ee May shir hoose ku yeeshay dalka Imaaraatiga UAE ayaa isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana ay wakhtigaasi bilaabeen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay kaga horjeedaan Villa Somalia.
0 Comments