Yaa ka taqaan ciyaarhannada caanka ah ee ku dhintay shilalka

 





Dunida kubadda cagta waxaa sannado badan ka dhacay shilal

Dunida kubadda cagta waxaa sannado badan ka dhacay shilal baabuur oo aad u naxdin badan, kuwaas oo galaaftay nolosha dad karti iyo xirfad sare leh.


Waxaa ugu dambeeyay xiddiggii xulka qaranka Portugal iyo kooxda Liverpool Diogo Jota kaas oo isaga iyo walaalkii ay ku dhinteen shil gaadhi oo ka dhacay dalka Spain maalmo uun ka dib markii uu guursaday.


Dhimashadan, oo inta badan lama filaan ah iyo naxdin leh, waxay raad joogto ah ku reebtaa naadiyada, taageerayaasha iyo qarammada ay ka soo jeedaan.


Qormadan waxaanu idinku soo gudbin doonnaa liiska ciyaartoyda caanka ahaa ee ku naf waayey shilalka gawaadhida iyo diyaaradaha. Waxaa laga yaabaa in ay ahayd musiibadii cirka ee ugu murugada badnayd ee kubbadda cagta casriga ah markii uu geeriyooday ciyaartoygan ku biiray Cardiff City markii ay burburtay diyaarad yar oo ka soo qaadday Faransiiska


28-jirkan ayaa ku safrayay diyaaradda Piper Malibu oo ka soo duushay Nantes, dalka Faransiiska kuna wajahneyd Wales fiidnimadii January 21 2019 ka hor intii aanay ku dhicin kanaal u dhow Guernsey, sidoo kale waxa la dhintay duuliye David Ibbotson oo 59 jir ahaa, kaas oo aan meydkiisa la helin.


Sala waxa uu xilligaasi ku biirayay horyaalka

Sala waxa uu xilligaasi ku biirayay horyaalka Premier League-ga iyo Cardiff City markaas oo ay £15 milyan kaga soo iibsatay naadiga Faransiiska ah ee Nantes. Baadhitaan ayaa lagu sheegay in Sala uu noolaa shilka ka dib balse uu u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray madaxa iyo xabadka.


2. Patrick Mutesa Mafisango {Rwanda 2012} Patrick Mutesa Mafiosango ayaa  u ciyaari jiray kooxda Simba iyo xulka qaranka Rwanda.


Ciyaaryahankan caanka ah ayaa 17-kii May 2012 ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay xaafadda Keko ee magaalada Dar es Salaam, maalmo yar ka dib xilli ciyaareedkii 2011/2012 ee Tansaaniya Mainland Premier League oo ay Simba ku qaadday horyaalka. Mafisango waxa uu jiray 32 sano, waxaanu hore ugu soo ciyaaray kooxaha Simba, TP Mazembe, APR, Atraco iyo Azam.


3. Antonio Reyes (Spain, 2019) Laacibkii hore ee Arsenal iyo Sevilla ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay magaalada uu ku dhashay ee Utrera. Wararku waxa ay sheegayaan in gaadhigiisa oo Mercedes ahaa lagu waday xawaare dhan 237 km/h (147 mph) ka hor inta aanu xakamaha goosan.


Reyes wuxuu ahaa 35 sano jir wuxuuna la safrayay laba wiil oo ay ilmo adeer yihiin; Mid ka mid ah ayaa isna dhintay.


4. Lesley Manyathela – Koonfur Afrika, 2003 Weeraryahankii u soo kacayay Orlando Pirates iyo Bafana, Manyathela, ayaa dhintay isagoo 21 jir ah kaddib markii uu u dhaliyay 48 gool 73 kulan oo uu u saftay Buccaneers.


Manyathela ayaa xilligaasi ka soo laabtay

Manyathela ayaa xilligaasi ka soo laabtay tijaabo uu ku maray Qaarada Yurub wuxuuna gool u dhaliyay kooxda Pirates kadib markii ay guuldarro 2-1 ah kala kulmeen Jomo Cosmos garoonka Rand Stadium. Markaas kaddib ayuu shil ku galay isaga oo ku sii jeeday magaalada Musina si uu wakhti ula qaato hooyadiis.


Ninkan oo hore ugu guulaystay kabta dahabka ah ee Premier League (PSL) ayaa kooxdiisa Bucs ku hogaamiyo horyaalka 2002-03, wuxuu ku guda jiray saxiixia kooxda ka dhisan Ukraine ee Dynamo Kiev. Abaalmarinta gooldhaliyaha ugu sarreeya PSL waxaa loogu magac daray Manyathela.


5. Laurie Cunningham

Ciyaaryahankii garabka ka ciyaara ee Ingiriiska, ee taariikh sameeyay isagoo ka mid noqday ciyaartoydii ugu horreysay ee madow ah ee matala England ku matala ciyaaraha caalamiga ah, sidoo kale u soo ciyaaray Real Madrid iyo Manchester United, ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Spain bishii July 1989.


dhacdadaas naxdinta leh waxa ay soo afjartay xirfaddiisii kubbadda cagta, markaas oo uu jiray 33 sano.


Post a Comment

0 Comments