Soomaalida UK: Carruurteennu waxay halis ugu jiraan ganacsiga daroogada

 

Soomaalida UK: Carruurteennu waxay halis ugu jiraan ganacsiga daroogada



Qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga London ayaa sheegaya in walaac weyn uu ka haysto nolosha caruurtooda.


Dhibaatadu waa daroogada farxaddda laga raadiyo, ayay tidhi Sacdiya Cali oo ka mid ah hormuudka bulshada iyo waalid dhalay toddobo carruur ah. Markii ay aasaastay hay'ad samafal oo ku taalla Islington, 15 sano ka hor, ujeedadu waxay ahayd in la caawiyo carruurta qaxootinnimada ku yimid waddankaasi si ay horumar uga sameeyaan akhriska iyo qoraalka iyo weliba dhanka xisaabta.


Laakiin taas beddelkeeda, hay'addu waxay isku aragtay in ay laga maarmaan tahay ilaalinta carruurta, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah looga faa'iidaysto ganacsiga daroogada. Waa warshad ay ku baxdo balaayiin lacaga ah ayay tidhi Sacdiya Waxa aan luminayaa jiil dhan. 


Nidaamka loo yaqaanno country lines waa khad la isugu gudbiyo daroogada iyada oo laga dhuumanayo booliska iyo hay'adaha ammaanka islamarkaana la adeegsanayo carruur yaryar iyo dad nugul oo lagu qasbayo budhcadnimo.


Dadka sidan looga faa'iidaysto ayaa inta badan la kulma xadgudubyo jidheed, maskaxeed iyo mid galmo, waxaana mararka qaarkood looga faa'iidaystaa tahriibinta daroogada xitaa meelo aad uga fog deegaanka ay ku nool yihiin.


Dadka da' yarta ah iyo kuwa aadka u nugul ma adareemaan in yihiin dhibanayaal dembi iyo in shaqadan ay ku hawllan yihiin ay tahay mid loo qurxinayao.


Qiyaasaha la sameeyay intii u dhaxaysay 2022 ilaa 2023 ayaa muujinaya in ku dhawaad 14,000 oo carruur ah loo aqoonsaday in ay halis ugu jiraan ama ku lug leeyihiin in looga faa'iidaysto dambiyada.


Ma ogayn in ay sidan u xun tahay


Dhallinyarada waxaa lagu bartilmaameedsadaa meelo badan oo Islington ah, gaar ahaan xaafadda Andover Estate, halkaas oo ay yimaaddaan rag waaweyn ay inta badan jooga agagaarka garoonka kubbadda cagta," ayuu yidhi Maxamed oo ah 31 jir ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada oo aan doonayn in magaciisa runta ah la isticmaalo.


Waxay garanayaan bartilmaameedkooda, way garanayaan nooca dadka ay raadinayaan, kuwa dhaqaale ahaan aad u liita, kuwa jacaylka u baahan," ayuu hadalkiisa raaciyay. Maxamed waxa uu sheegay in dhallinyarada waxaa loo sheegaa in ay helayaan kabo cusub ama lacag ay dukaammada kaga so adeegtaan oo ay ku soo gataan baradho shiilan iyo hilib digaag.


Waxaan ku noolaa Islington muddo 25 sano ah, weligeyna ma arkin wax sidan u xun bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda Qayb ka mid ah dadaallada ay ka qabato bulshada dhexdheexa hay'addan ay maamusho Sacdiya waxa ka mid ah tabarbarka waalidka loo xushay in ay hurmuudka yihiin.


Waa koorso horumarineed oo shakhsi ah oo laba ama saddex bilood ah oo loogu talagalay waalidiinta ku nool magaalada, si ay kor ugu qaadaan kalsoonidooda una maareeyaan xanaaqooda.


Ururkan samafalka ah ayaa ku qabtay shirkiisii labaad ee Islington, halkaasi oo uu isugu keenay qoysaska deggan magaalada oo ay weheliyaan wakiillo ka socda Booliska Magaalada, Golaha Islington iyo qaybta dhimista, kuwa rabsahdaha ka hortaga ee magaaladaasi oo ay ku jiraan iyo wadaaddada masaajid ku yaalla aaggaasi oo la yidhaahdo Finsbury Park.


Sacdiya waxayfursaddan uga faa'iidaysatay in ay soo bandhigto caqabadaha xooggan ee dadkeedu wajahayaan. Ku dhawaad qof kastaa wuu garanayaa qof qaraabo ah...ama qof xaafadda ka socda oo ay saamaysay ka ganacsiga daroogadu," ayay tidhi Sacdiya.


Inta lagu guda jiro qorshaha la rabo in carruurta lagu soo jiito oo lagaga dhaadhiciyo in ganacsiga noocan ah, waxa la baraa daroogada. Waxay isticmaalaan nitrous oxide, cabbitaanka ka samaysan sharoobada qufaca oo lagu daray cabitaan fudud, sigaar iyo waxyaabo kale. Waxa sidaas loo sameeyaa in carruurta la xakameeyo oo maskaxdooda la dhaqo. "


Isticmaalka iyo iibinta maandooriyahana waxa ay keenaan fal-dambiyeedyo inta abdan mindiyo loo adeegsado. Tirokoob ay samaysay hay'adda Ben Kinsella Trust ayaa muujinaya in 31% dembiyada mindiyaha ee England iyo Wales ay diiwaangeliyaan Booliska Met.


Dhallinyarada waxaa loo tababaraa in ay qaataan mindiyo," ayay tidhi Sadciya. Waxay noo sheegaan in ay wataan mindiyo si ay u ilaaliyaan maandooriyaha, lana dagaallamaan cid kasta oo iyaga soo weerarta, waxay kuu sheegayaan in ay tahay difaac, waxay u tababaran yihiin inay dilaan. 


Umulkhayr Faarax waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Andover estate iyada iyo wiil ay dhashay. Aad bay uga welwelsan tahay mustaqbalkiisa, waxayna go'aansatay in ay ka qaybgasho shirkan ay Sacdiya soo agaasintay, inkastoo Ismaaciil uu keliya jiro sagaal bilood.


Waxaan rabaa in waalidiinta Soomaaliyeed ay hurdada ka kacaan, si ay u arkaan in aan runtii aad ugu hammuun qabno in aan helno taageerada aan u baahan nahay, sababtoo waxaan anahay dhibbane marka wiilasheena lagu dilo badhtamaha waddooyinka.


Nicola Garrard oo ah qoraa iyo macallimad ayaa wadda barnaamij uu maalgeliyay Duqa magaalada London ee qaybta ka hortagga rabshadaha, waxayna bilawday in ay si mutadawacnimo ah uga shaqayso dhibaatada haysata dadka laga tirada badan yahay ka dib markii mid ka mid ah ardaydeedii hore, Mahad Cali, la dilay 2016. Macallimaddan ayaa hadal ka jeedisay shirkan.


Inta badan dadka dabaqadda dhexe ee isticmaala daroogada sida kookeynta, iskuma arkaan in ay yihiin dad xun, waxay joojiyaan dib-u-warshadaynta, waxay iibsadaan khudaarta dabiiciga ah waxayna badanaa leeyihiin carruur. Ma garanayaan in uu jiro dhibaatada ay leedahay ilmo daroogo la wareegaya waddooyinka London oo argagaxsan oo la khiyaameeyey.


Hawlo badan ayaa ina hor yaalla


Lib Peck oo ah maamulaha qaybta dhimista rabshadaha ee London, ayaa yidhi: Wax ka qabashada rabshadahu waa mid aad u adag. Waxaa naga go'an in aan ka hortagno oo aan dhisno 400,000 oo fursadood oo wanaagsan oo aan hore u bixinay annagoo dardargelinaya marka aan aragno carruur halis ugu jirta in la duufsado. "


Sannadkii hore, London waxa la diiwaangeliyey tiradii ugu hoosaysay ee dilalka 25 ka yar, muddo 22 sannadood ah. Cusbitaallada la geeyay dhaawacyada ka dhasha weerarrada mindiyha ayaa hoos u dhacay 28% marka loo eego tirakood ay hore u samaysay VRU.


Laakiin way caddahay in aan u baahan nahay in aan wax badan qabano, waxaa naga go'an in aan ka shaqayno iskaashiga qoysaska iyo bulshada si aan u ilaalino badbaadada dhallinyarada, gudaha iyo dibaddaba, annagoo ku bixinayna in ay helaan shaqooyin habboon iyo goobo ay ku ciyaaraan."


Post a Comment

0 Comments