Warbaahinta Bild ee Jarmalka ayaa daboolka ka qaaday in kooxda Real Madrid ay talaabo rasmi ah u qaaday soo xero gilinta qadka dhexe kooxda Dortmund ee Jude Bellingham
Cid kama qarsoona in Real muddo baadi goobeyso laacibka iyadoo haatan uu u janjeersday dhanka Real waxaana hpray u doonayay Man City iyo Liverpool
Inkastoo kooxahaas weli gacan ka taagin baacsiga Jude Bellingham hadana Real ayaa leh gacanta sareysay marka la eego kulan labaad oo waqti dheer qaatay oo ay la yeesheen aabihii oo horay ula kulmeen magaalada London
Jude Bellingham wax shuruudo dhanka maaliyadda ah kuma xerayo Real , kaliya waxa uu doonayaa mashruuc soo jiidasho leh iyadoo uu gaashaanka u daruuray dalab cusub oo ay hor dhigeen Dortmund
Bild waxa ay tilmaameysaa in kulankaas labaad ay ka soo baxeen yadadiilo wacan iyadoo ilo wareedyo gudaha Real ah xuseen in laaicibkaas xagaaga uu imaanayo Madrid
0 Comments