Real Miyay Gacanta Ka Taagtay Loolanka Horyaalka , Ancelotti Ayaa Ka Jawaabay

Ancelotti


Tababare Ancelotti  ayaa hoosta ka xariiqay in loolanka kooxdiisa horyaalka ee Barcelona aheyn arin mustaxiil ah balse ay adag tahay


” Kulankii Betis waxa uu ahaa mid adag , aad ayaan uga xanaaqsanahay hanaan ciyaareedkii aan muujinay , waxaan awoodnay in si wacan u ciyaarno waliba bahallo ku noqon afka hore balse xalay wax baa qaldanaa”.


”Sedexdii kulan ugu dambeeyay waxaan dhalinay hal gool , ma aha macquul” ayuu sii raaciyay Ancelotti 


“Waan in aan saxnaa qaladaadka dhacaya , kubadda sidii hore qaab deg deg ah uma jiidno , kulankii xalay mid furan ayuu ahaa wax badan ayaan sameyn karnay”.


Mar loolanka horyaalka wax laga weydiiyay waxa uu yiri ” ma aha mustaxiil aan dhici karin balse balse waa adag tahay waayo 9 dhibic ayay naga horeeyan Barcelona , ma aqaan waxa ka socda La Ligaha”.

Post a Comment

0 Comments