Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa weeraray hanaan ciyaareedkii ciyaartooydiisa ee qeybtii hore ee kulankii Atletico Madrid
” Ma aqaano si aan u sharaxo , ciyaar liidata ayay aheyd qeybtii hore balse tii labaad waa aynu wacneyn balse guud ahaan kulankaan mid adag ayuu ahaa ”
Wargeyska Marca ayuu Ancelotti ka yiri” qeybta labaad waxaa ina caawiyay xamaasadda taageerayaasa taasi oo keentay in bandhig wacan muujinno”.
Waxaa laga weydiiyay mustaqbalka Dani Ceballos waxa uuna Carlo Ancelotti ku jawaabay” ma doonayo in aan arintaas faraha la galo , kooxda waa ay og tahay waxa aan ka fikarayo”
Real ayaa iska xaadirisay semi finalka Cope Del Rey ka dib kulan waqti dheeri lagu daray waxa ayna ku garaaceen 3/1
0 Comments