TABABARAH KOOXDA REALMADRID OO RIKOODH CUSUB DHIGAY

 

Carlo Ancelottin

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa xalay markale magaciisa ku qoray buugta taariikhda Yurub kaddib guushii cajiibka ahayd ee uu xilli dambe ku khaarajiyay Pep Guardiola iyo Manchester City.


Don Carlo ayaa ka caawiyay kooxdiisa Real Madrid inay guul soo laabasho ah ku garaaco Manchester City oo daqiiqado kooban u jirtay inay gaadho Final-ka Champions League markeedii labaad ee xidhiidh ah.


Waxa mucjiso ku noqotay Manchester city iyo macalin keeda Pep Gaurdiola  oo cadho bakhtisan kana xun guul darada ku dhacday isaga iyo koodisa.

 

Rekoodhka uu kala hoyday tababaraha Talyaaniga ahi xalay ayaa ah inuu noqday tababarihii ugu horreeyay ee taariikhda shan Champions League Final-kooda gaadhay waxana uu u eeg yahay rikood aan beryaha la jabin Karin.

Rekoodhkan ayaa imanaya shan maalmood kaddib markii uu Ancelotti sidoo kale noqday tababarihii ugu horreeyay ee shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub ku wada guuleystay.

 

Post a Comment

0 Comments