Ka dib ciyaar xaraarad leh oo goolal badan la iska dhaliyay Real ayaa 5/3 ku garaacday kooxda reer Sacuudi ee Al-Ahli waxa ayna sidaas ku qaadeen koobka FIFA Club World Cup oo noqonaya markii 5-aad taariikhdooda
Sheekada qeybta hore : Real Madrid ayaa nasiinada ugu dirtay Al Ahli natiijo 2/1 iyadoo labada koox ay wada ciyaarayeen finalka FIFA Club World Cup
Labada koox si wacan ayay ku bilaabeen ciyaarta balse Real ayaa baxsad aheyd kuwaasi oo kubad weerar ah ciyaarayay illaa ay keeneen laba gool oo is xigay ,JR ayaa bilaabay daqiiqadii 13-aad halka Valverde uu sii raacsaday daqiiqaddii 18-aad
Al Ahli qaladaad ayaa ka dhacayay oo dhanka qadka dhexe oo bilaa cadaadis ayay ahaayeen marka ciyaartooyda Real kubadda soo dhisayaan
Kooxda reer sacuudi waxa ay ka faa`ideysteen ciyaartooyda Real oo horay u soo dhaqaaqayay ilaa ay ku keenen gool daqiiqadii 26-aad waxaana darbo gantaal ah ku dhaliyay Marega.
Real waxa ay Al Ahli ku dilayeen cadaadiska iyo boosaska oo ay isu bad badaleen .
Qeybta labaad : waxa ay ciyaarta ku bilaabatay hab u furan labada dhinac inkastoo kooxda Ancelotti ku badnaayeen cag ku haynta kubadda .
Al Ahli qaab wacan ayay ku bilaabeen oo ciyaarta diiradda ayay saarayeen rogaal celiskana wa aku wacnaayeen balse Real mar waliba halis ayay ahaayeen ilaa Benzema uu dhaliyay gool sedexad uu ka shaqeeyay JR daqiiqadii 54-aad , intaas kuka joogsna gool 4-aad ayay heleen Valverde ayaa ku hubsaday shabaqa daqiiqadii 58-aad
Ka dib dhacadaas kooxda Sacuudiga waxa ay bilaabeen in masaaxooyin ay beenaayeen , waxa uuna macalin Ancelotti soo giliyay Rodrygo iyo Aurelien Tchouameni oo daqiiqadii 62-aad loo saaray Benzema iyo Aurelien Tchouameni
Al Ahli gool labaad ayay heleen waa fir fircoonaayeen balse qaladaad ayay marti u ahaayeen waxaana goolka labaad u dhaliyay L. Vietto daqiiqadii 63-aad balse mid 5-aad ayaa lagu aamusiyay waxaana shabaqa dhigay Junior daqiiqadii 69-aad
Sidaas oo ay tahay , Al Ahli ima dhiibin waxa ayna heleen gool 3-aad daqiiqadii 79-aad waxaana labeystay L. Vietto xilli ay iska qasaarinayeen fursado kale , si kastaba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 5/3 oo Real ku qaadeen koobkaas
Real waxaa ka muuqatay xamaasad iyo rikoorka kobkaan sii dheereystaan oo qaab wax ku ool ah ayay ciyaarayeen waana midda keentay in koobkaan FIFA Club World Cup ku guuleystaan markii 5-aad taariikhdooda.
0 Comments