Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga Guido Croceto.
Wadahadallada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo ciidamada, xasiloonida gobolka iyo kordhinta taageerada dowladda Talyaaniga ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dardar gelinta ciidamada iyo xoogga la dagaalanka argagixisada.
Wasiir Crocito ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashadiisa iyo wadahadalladii dhex maray, wuxuuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay saldhig u tahay nabadda gobolka iyo caalamkaba, wuxuuna caddeeyay inay ka go’an tahay inuu gacan ka siiyo dowladda Soomaaliya sidii loo heli lahaa amniga la dagaalanka argagixisada.
0 Comments