Madaxweyne Xasan oo gaaray Roma

Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay madxda dalkan ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada-xaajoonayaan kobcinta iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Booqashada ayaa timid wax kayar toddobaad un markii uu Muqdisho yimid ku-xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego oo Villa Somalia kula kulmay madaxweynaha. 

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada. 

Talyaaniga ayaa sanadihii dhowaa ka mid ahaa dalalka Yurub ee saameynta xooggan ku yeelanaya Soomaaliya, ayada oo Roma ay ciidan militari oo kooban ka joogaan dalka, kuwaas oo ku howlgala magaca Midowga Yurub.

Post a Comment

0 Comments