Daadihiyaha Shabakada Bein Sports ee Richard Keys ayaa sheegay in uu Jurgen Klopp isaga tagi doono Liverpool marka ay kooxdiisu ka hadho champions League xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 10-aad kadib 20 kulan oo ay ciyaartay iyaga oo ku dhibaatooday in sy oo bandhigaan qaab ciyaareedkii xilli ciyaareedkii hore.
Kadib markii ay ku dhamaystay kaalinta 2-aad sidoo kale gaadhay 3 Final Reds ayuu si weyn qaab ciyaareedkoodu hoos ugu dhacay iyaga oo ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka.
“Malahayga waa Klopp wuu ka tagi doonaa Liverpool”ayuu yidhi Keys.
“Hadii ay Liverpool ka hadho champions League xlli ciyaareedkan marka ay la ciyaaraan Real Madrid, waxa aan filayaa in uu isaga tagi doono Liverpool”.
“Liverpool waxa ay ku jirtaa qaab ciyaareed liita waxana ay ka fogtahay qaab ciyaareedkii ay soo bandhigtay xilli ciyaareedkna”.
Guuldaradii ugu dambeysay ee Liverpool – oo ah tii toddobaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan ayaa ahayd midkii ay 3/0 kala kulantay kooxda Wolves.
0 Comments