Taageerayaasha Man United & Liverpool Oo Hal Codsi U Diray premier League Kadib Eeda Loo Jeediyay Man City.


City

Taageerayaasha kooxaha liverpool iyo Man United ayaa haatanba fariin u diray maamulka Premier League kadib markii kooxda Man City lagu eedeeyay in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga muddo 9 sano ah.


Maamulka premier League ayaa soo saaray warbixin ay ku xaqiijiyeen in ay Man City dusha ka saareen eedaynta ah in ay kooxdu intii u dhexaysay 2009 ilaa 2016 jabisay xeerar badan oo dhaqaale wanaaga ah.


Kadib markii uu warkan soo baxay taageerayaasha Liverpool iyo Man United ayaa maamulka Premier League ka dalbaday in ay kooxohooda siiyaan koobabkii ay Man City ka qaaday mudadii 9-ka sano ee la soo dhaafay.


Taageere Liverpool ah ayaa qoray”Hadii lagu helo dambiga, waa in maamulka Premier League 2 koob oo premier League ah siiyaan Liverpool maadama aan la tartamaynay koox xeerar badan jabisay”.


“Waa in Liverpool l siiyo koobabkii premier League ee ay Liverpool kaalinta 2-aad ka gashay kadib dambiga Man City”ayuu mid kale qoray.


Mid taageere u ah Man United ayaa yidhi”Waa in Man United iyo Jose Mouirnho a siiyo koobkii premier League ee xilli ciyaareedkii 2017/2018”.


“Waa in United la siiyo laba premier League oo kala ah xilli ciyaareedkii 2011/2012 iyo 2017/2018 maadama ay Dambiyo gashay wakhtigaas”.

Post a Comment

0 Comments