Magaalada Baydhabo waxa lagu soo gaba gabeeyay shirkii dib u heshiisiinta, iyadoo dhinacyadu ay heshiis ka gaareen arrimaha doorashooyinka

Baydhabo


Madaxweynaha   Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ku soo gabagabeeyey wejigii labaad ee shirka dib u heshiisiinta.


  Dhinacyada ka qeyb galaya shirka ayaa waxaa u suuragashay in ay ka gudbaan khilaafaadyo iyo is afgarad ku saabsan doorashada guddoonka baarlamaanka ee maamulkaasi.


Sida lagu sheegay war-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee shirka laga soo saaray, waxaa la isku raacay in inta u dhaxaysa November 2023 iyo December 2023 lagu soo xulo xubnaha baarlamaanka maamul goboleedyada.


Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ay dhaqangeliso heshiiskaasi.


Heshiiskan ayaa la filayaa inuu soo afjaro khilaaf u dhexeeya madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdulcasiis Laftagareen iyo kuwa kasoo horjeeda oo ku saabsan arrimaha doorashada maamulkaas, kaasoo sababay iska-hor-imaadyo hubeysan oo ka dhacay Baydhabo, iyadoo waqtigiisii ​​dastuuriga ahaa uu ku ekaa December 2022-ka.

Post a Comment

0 Comments