Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isniintii lasoo dhaafay isaga iyo wafdigii la socday ay gaareen magaalada Baydhabo ayaa ku dhowaaqay in uu furmayo shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta kala duwan ee ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa ku booriyey Sheekhyada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed inay midoobaan oo ay ilaaliyaan nidaamka iyo amniga Koonfur galbeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ballan qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay garab istaagi doonto maamulka Koonfur Galbeed, isagoo rajo ka muujiyay in shirka uu guul ku soo dhamaado.
December 17, 2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadam Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku baaqay in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed lagu qabto shirweyne dib u heshiisiin ah 5-ta bisha Janaayo ee sanadka 2023-ka, balse dhowr jeer ayaa dib loo dhigay arrimo farsamo.
0 Comments