Madaxweynaha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay tiro safiirro ah oo ka socda Midowga Yurub

Madaxwayne xasan


Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelman oo ay wehliyeen qaar ka mid ah safiirrada dalalka Midowga Yurub ee loo aqoonsaday Soomaaliya.


Kulanka labada dhinac ayaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta dimoqraadiyadda, dhameystirka dastuurka KMG ah, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.


Sidoo kale, Madaxweyne Xasan sheekh Maxmauud ayaa warbixin ka siiyay diblumaasiyiinta reer Yurub horumarka laga gaaray howlgallada milateri ee lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Post a Comment

0 Comments