Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa muujiyay sida uu dalkiisu u doonayo inuu kaga adkaado argagixisada, isla markaana uu si buuxda ula wareego ciidamada nabad ilaalinta ku meel gaarka ah ee Afrika “ATMIS” sanadka 2024-ka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda sanadka cusub waxa uu ku sheegay in dalkiisa uu 2024-ka u rajeynayo in laga adkaado argagixisada oo uu si buuxda ula wareego howlaha ammaanka ee nabad ilaalinta ku meel gaarka ah.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay xoojin doontaa howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo la kaashaneysa beelaha hubeysan sanadka cusub si dalka looga xoreeyo argagixisada”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, "Dowladdu waxay ka shaqeyn doontaa, howlgallada dib u xoreynta ka sokoow, dib u habeynta ciidanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awooddooda si ay ammaanka ugala wareegaan ciidamada Afrikaanka (ATMIS) December 2024."
Dhinaca dhaqaalaha, madaxweynaha Soomaaliya waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulkiisu uu wax ka bedeli doono qaab dhismeedka dhaqaalaha dalka si looga gudbo marxaladda dhaqaale ee aan nidaamsaneyn loona gudbo dhaqaalaha habaysan si ganacsatadu ay ula macaamilaan dhaqaalaha adduunka.
Waxa uu ku micneeyay in Soomaaliya ay ku guda jirto sidii dalka looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, isagoo rajo ka muujiyay in barnaamijkan la soo gaba gabeyn doono bartamaha sanadkan.
Waxa uu sidoo kale muujiyay hamiga dalkiisa ee ku biiritaanka kooxaha dhaqaalaha ee gobolka iyo caalamka oo ay ku jiraan bulshada Bariga Afrika.
Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo dib-u-heshiisiin gudaha ah, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba, "si loo faafiyo maamul-wanaagga, loona xalliyo dhammaan xarumaha khatarta ku ah nidaamka dowliga ah."
Sidoo kale, Sheekh Maxamuud ayaa ku amray ciidamada Soomaaliya ee ka soo laabanaya Eritrea inay u diyaar garoobaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen qaabka dagaalka lagula jiro argagixisada.
0 Comments