Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadlay barnaamijyada xukuumaddiisa ee sannadka cusub

Madaxweynaha


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan  Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadka cusub ee 2023-ka uu noqon doono mid loo adeego oo ay u shaqeyso dowladdiisa, waxaana uu khudbad uu jeediyay uu ku tilmaamay in sanadka cusub uu noqon doono sanadkii xornimada iyo dhameystirka dastuurka.


Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xaaladda amni ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo socday muddo bilooyin ah, isagoo tilmaamay in dowladdiisu ay hiigsaneyso in ay la wareegto mas’uuliyadda amniga Soomaaliya bisha December ee sanadka 2024-ka markaas oo howlgalka Midowga Afrika uu dalka ka baxayo.


Mar uu ka hadlayay arrimaha dhaqaalaha ayuu Madaxweynahu sheegay in bartamaha sanadkan ay Soomaaliya soo gabagabeyn doonto hanaanka deyn cafinta.


Wuxuu intaas ku daray in dalkiisa uu sanadkan ku biiri doono suuqa ganacsiga ee bulshada Bariga Afrika, wuxuuna sidoo kale caddeeyay in Soomaaliya ay daneyneyso inay ka mid noqoto suuqyada Mareykanka iyo Afrika ee canshuur dhaafka ah, sida uu qabo sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika.

Post a Comment

0 Comments