Xasan Sheekh oo shaaciyay Goorta lasoo celinayo askarta Eritrea ku maqan

Madaxwayne xasan sheekh


Madaxweyne  Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay isagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar Doha kula hadlayay in bishan la billaabi doono keenista Ciidanka ku maqan dalka Eritrea.


Xasan Sheekh ayaa tan iyo doorashadiisii labo jeer xeryaha tababarka ku booqday dhalinyarada, oo 5,000 gaaraya, kuwaasoo tan iyo markii tababarka dhameysteen sugayay in dalkooda lagu soo celiyo.


Qeybta 1aad bishn ayay dalka imaan doonaan, iyadoo inta hartay la keenayo bisha soo socota ee sanadkan cusub, waxaana warkan uu ka farxiyay Waalid badan oo Carruurtooda ka maqnaaa.


Fahad Yaasiin, oo ahaa gacanta-midig ee Farmaajo ayaa si qarsoodi ah u qorey dhalinyaradda oo lagu qalday Shaqo been ah dalka Qatar taalla, balse loo qaadey Eritrea 2019-2020.

Post a Comment

0 Comments