MW Xasan oo booqday xerada Ciidanka Cirka ee jooga Eritrea

  

Madaxwayne Xasan iyo ciidamadii ku maqnaa Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.


Madaxweyne Xasan oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo uu ku tagay dalkaas, Ereteriya ka codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka dalka looga xoreynayo Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo dib u dhiska dowladnimada.


MW Xasan ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababarku u socday.


Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinaayo dhiggiisa dalkaas Ereteriya Isaias Afwerki ayaa sidoo kale la filayaa in kormeer ku tagaan xeryaha cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka ee tababbarka u jooga dalkaas, kuwaas oo Luuliyo  muqaalladooda la baahiyay.


MW Xasan ayaa hore u ballan qaaday inuu juhdi xooggan gali doono sidii  askartaas dib loogu soo celin lahaa dalka, wuxuuna ka hor dib u doorashadiisii sheegay inuu ka farxi doono walidiinta dhallinyaradu ka maqan tahay ku dhawaas saddexda sano.


Farmaajo ayaa ku fashilmay inuu dib u soo celiyo askarta, xitaa wuxuu awoodi waayay inuu bulshada la wadaago xogtooda rasmiga ah, taasoo dhalisay in ehellada dhallinyarada bannaan-baxyo ka dhigaan dalka, inkastoo si weyn loo caburiyay ehellada.

Post a Comment

0 Comments