Massawa – Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Eritrea uu indhihiisa ku arkay dhoolo tus heer sare ah oo ay sameynayaan ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray dalka Eritrea oo ku sugan badda.
Gebremeskel waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu ku wehliyey Madaxweynaha Somalia, markii uu goob-joog ka ahaa dhoola tukuska Millateri iyo socdaalkiisa magaalo-xeebeedda Massawa iyo nawaaxigeeda.
Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Madaxweyne Xasan waxa uu indhihiisa ku arkay dhoola tus ciidan oo ay wadeen doomo dheereeya oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay dalka Eritrea.
0 Comments