Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan dalka Turkiga.

Masuliyin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Turkiga, waana safarkii labaad oo uu dalka ku tago tan iyo markii la doortay bartamihii bishii May.


 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kooban oo ay soo saartay ku tiri: “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Turkiga.

 Waxa ay ku micneysay in socdaalka Sheekh Maxamuud uu ka dambeeyay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

 Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro dhal ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

 Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, iyadoo Sheekh Maxamuud uu yahay safarkii labaad ee uu dalka dibadiisa ku tago tan iyo markii la doortay bartamihii bishii May, iyadoo booqashadii ugu horeysay uu ku tagay Imaaraadka Carabta sagaal iyo tobnaad ee bishii June ee la soo dhaafay.


Post a Comment

0 Comments