Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xamze Cabdi, Berri oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka.
Xamza oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in musuq-maasuqu yahay cudurka ugu daran ee aafeeya bulshada iyo nidaamka dowladnimo, isla markaana caqabad ku ah horumarka dhaqaalaha iyo in aan laga faa’ideysan hantida qaranka iyo dakhliga soo gala oo yar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay ciribtirka musuq maasuqa, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay shaqada bulshada iyo dowladda ee la dagaalanka musuq maasuqa.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya lagu tilmaamo inay ka mid tahay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, maadaama muddo toban sano ka badan ay safka hore kaga jirtay liiska ay soo saartay hay'adda Transparency International, inkastoo dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya ay sheegeen inay dadaallo ku bixin doonaan la dagaalanka musuqmaasuqa.
0 Comments