Lama Yaabin Ku Biirista Ronaldo Ee Horyaalka Sucuudiga, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Ronaldo


Halyeyga Bosnia Miralem Pjanic, khadka dhexe uga ciyaara kooxda Imaaraatka ee Sharjah, ayaa ka hadlay ku biirista Cristiano Ronaldo  ee kooxda Al-Nassr suuqa January.


“Lama yaabin in Cristiano Ronaldo uu ku biiray kooxda Sacuudiga,” ayuu Miralem Pjanic u sheegay wargeyska Toto Mercato.


Xiddiga Bosnia ayaa intaa ku daray, “Al-Nassr waa koox hammi leh, oo ku qanacsan in Bariga Dhexe uu hubaal noqon doono mustaqbalka kubadda cagta”


Ciyaaryahanka ayaa intaa ku daray, “Waxaa jira dalal badan in uu bariga dhexe yeelan doono mustaqbal fiican oo kubada cagta ah isla markaas horumar baaxad leh samaynaya”.


Xidigii hore ee Barcelona,Juventus iyo Roma ayaa hadalkiisa raaciyay: “Taasi waa sababta aan u idhi, lama yaabin in uu Ronaldo ku biiray horyaalka Sucuudiga”.


Waxa uu carabka ku adkeeyay, “Heerka Jasiiradda Carabta uma fududa sida ay dadku u maleynayaan, go’aanka Ronaldo ee uu ugu wareegayo Al-Nasr wuxuu gaari doonaa korriin weyn oo kubada cagta Sacuudiga ah.”


Waxana uu hadalkiisa ku soo xidhay, “Waxa aan ka fikiraa sawirka dhan walba ka socda, waxa aan ka fikiraa caruurta Carabta marka ay arkaan Ronaldo oo jooga Saudi Professional League”.

Post a Comment

0 Comments