Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay saddex safiir oo cusub


madaxwaynaha somaliya

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay danjireyaasha dalalka Faransiiska, Holland iyo Slovakia ee dhowaan loo soo magacaabay Soomaaliya.


Madaxweyne Xasan sheekh Maxmauud ayaa soo dhoweeyay safiirada dalalka Faransiiska, Holland iyo Slovakia, kuwaas oo madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay salaan ay ka guddoomeen madaxda dalalkooda, kadib munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.


Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa ballan qaaday in uu safiirrada cusub ka caawin doono gudashada waajibaadkooda diblomaasiyadeed, isagoo u rajeeyay in ay ku guuleystaan howlahooda ku aaddan xoojinta iyo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalkooda.

Post a Comment

0 Comments