Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay in la ballaarinayo howlgallada ay ciidamadu ka wadaan dalka


Madaxwayne Xasan

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhawaan qaadi doonto howlgalo ciidan oo ay ku qaadi doonto deegaanada ay ku xoogan yihiin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee maamulka Koonfur Galbeed, maadaama dhaq dhaqaaqyo ay ka taliyaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulkaasi.


Waxa uu intaasi ku daray in kadib guulihii ay ciidamadu ka gaareen gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya in weerarka qorsheysan uu qaadan doono waqti kooban,maadaama ay wiiqantay awooda Al-Shabaab,isagoo xusay in dowladda Federaalka ay diyaarisay istiraatiijiyad ciidan oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab.


Hadalka Madaxweyne xasan sheekh Max’ud ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Maleeshiyo beeleed taabacsan ay dib ula wareegeen Al-Shabaab deegaano istiraatiiji ah oo gacan saar la lahaa Al-Qaacidda.

Post a Comment

0 Comments