Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Baydhabo kula kulmay aqoonyahanno iyo culumaa’udiin

Madaxwaynaha


Madaxweynaha Soomaaliya Hasan  Sheikh Maxamud, oo hadda ku sugan magaalada Baydhabo, caasimada ku meel gaarka ah ee maamul goboleedka koonfur-galbeed, ayaa la kulmay qaar ka mid ah Aqoonyahanka iyo culimada diinta ee magaalada.


Intii kulanku socday, waxay ka wada hadleen horumarkii ugu dambeeyay ee amniga ee dalka iyo muhiimadda ay leedahay dadaallo isku dhafan oo lagu horumarinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo mideynta dadka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay wadaadada dadaalka dawladda federaalka ee lagu dhisayo dalka horumarkiisa, si loo gaaro caddaalad, oo dalkana laga xoreeyo gacanta kooxaha argagixisada ah.


Qeybtooda, culimada ayaa soo bandhigay intii uu socday kulanka soo jeedinno badan oo wax ku ool ah oo laxiriira dhismaha dalka, iyo ka hortagga fikradaha xagjirka ah iyo waxa la rumeysan yahay.

Post a Comment

0 Comments