War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay xoojiyaan dadaallada lagu dhisayo dowladnimada iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.
Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay dib u eegista diirada lagu saarayo hanaanka dib u eegista dastuurka, qeybsiga kheyraadka, awooda federaalka iyo dib u heshiisiinta, kuwaas oo dhamaantood muhiim u ah xasiloonida Soomaaliya ee mustaqbalka fog.
Bayaanka ayaa lagu dhiirigeliyay dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si wax ku ool ah uga qeybqaataan gaaritaanka mudnaanta dowlad-dhisidda iyo in wixii khilaafaad ah lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi.
War-murtiyeedka ay si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD, Ururka Jaamacadda Carabta , Ururka Iskaashiga Islaamka, Belgium, Denmark, Djibouti, Masar, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, Norway, Poland, Qatar, the Russian Federation, Sudan, Sweden, Turkey, Uganda, the United Kingdom and the United States .
0 Comments