Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta dagaal u dhexeeyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay deegaanka Singaleyr, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale dagaalka waxa lagu dhaawacay taliyihii ciidanka Jubbaland ee saldhigyada Singaleyr iyo Buundada Wirkoy iyo laba askari oo kale.
Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa dhankooda shaaciyay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, ayna gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay.
Weerarkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland u diyaar garowday howlgallo lagu xoreynayo deegaanada ay maamulkaas ka joogaan xoogaga Al-Shabaab.
Ujeedka ayaa ah in la qabto degmada Jilib oo ah xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa kacdoon uga billowday gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.
0 Comments