Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaran, oo ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Inta uu socdo shirkan ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ee heer federaal iyo heer maamul goboleed waxaa ay uga doodi doonaan garsoorka, howlgallada ciidan ee socda, waxaana lagu qeexi doonaa awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, marka laga soo tago qeybsiga hantida qaranka ee dhinacyada Soomaalida.
Shirka oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Galmudug Axmed Qorqoor, Hirshebeele Cali Guudlaawe, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jamaal.
0 Comments