Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay 3 Safiir


Madaxwayne Xasan

Madaxweynaha  Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirada cusub ee dalalka Turkiga, Burundi iyo Thailand ee loo soo magacaabay dalka.


Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxeweynuhu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Danjireyaasha kala ah Mudane Ibrahim Mete Yagli, Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Somaliya, Marwo Evelyne Habonimana, Danjiraha cusub ee Burundi iyo Marwo Sassanit Tangulrat, oo ah Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doonta Somaliya.


Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Somaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxaana uu Madaxweynuhu xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga Dowladda Somaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad dhiska iyo horumarinta dalka.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay shacabka iyo Dowladda Turkiga dhulgariirkii xooganaa ee is xigxigay ee maanta ka dhacay koonfurta Turkiga iyo waqooyi galbeed Suuriya, waxa uuna muujiyay sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay murugada ula qaybsanayaan dadka Turkiga.

Post a Comment

0 Comments