Sadio Mane wuxuu sheegay dalkiisa hooyo ee Senegal inuu marki ugu horreysay uu hanto Koobka kubadda cagta ee Qaramada Afrika ay uga dhigan tahay inti uu kubadda ciyaarayey howshi ugu muhiimsaneed ee u qabsoontay.
Xiddiggan wuxuu shabaqa uu ku hubsaday rigooraha guusha u horseeday dalkiisa uu ka dhaliyey Masar, isaga oo qaybti hore ee ciyaarta laga diiday rigoore iyada oo marki dambana ay ciyaarti Axadda oo wakhti dheeri ah lagu daray ay ku dhammaatay 0-0.
Dalka Senegal ee Galbeedka Afrika ku yaalla waxay ku guul darreysteen laba koob oo kubadda cagta ah, iyada oo seddex sano ka hor ay Algeria isku soo hareen ugu dambeyntina 1-0 looga guuleystay.
"Waa maalintii noolasheyda iigu wanaagsaneyd iyo koobki noolasheyda ugu wacnaa," ayuu yiri 29 jirkan Liverpool difaaca uga ciyaara, Waan ku faraxsanahay naftayda, dadkayga iyo dhammaan qoyskayga".
Mane ayaa helay fursad uu Senegal hoggaanka ugu dheerayn karay kadib markii uu Saliou Cisse kubad ku soo celiyay Mohamed Abdelmonem daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta.Laakin isku daygiisii waxaa ka hortagay goolhayaha Masar Gabaski.
Mane ayaa ku ammaanay asxaabtiisa kooxda inay siiyeen awood uu kula soo laabto rigooreyaal, halkaasoo uu ku hubsaday 4-2.
"Markii aan khasaariyay rigooradii ugu horeysay, waxay ii ahayd niyad jab aad u weyn," ayuu yiri."Laakiin saaxiibadeyda kooxda ayaa ii yimid oo igu dhahay 'Sadio, si wadajir ah ayaan u badineynaa, waana wada guuleysaneynaa, waan ku naqaannaa, wax badan ayaad noo qabatay, dadaalkaaga horay u sii wad".
"Talo bixinta saaxibbadeey waxay iga dhigtay mid xoogan, waxaana u maleynayaa inay samaysay farqiga markii aan helnay kaalinta labaad.""Dhammaan saaxibbadeey ayaa ii yimid, waxayna igu dhaheen 'Sadio, waan kugu kalsoonahay', taasina waxay i siisay dhiiragelin dheeri ah, koobka waxaa iska leh dhammaan xulka Senegal - qof walba wuu u qalmaa.
"Mane ayaa sidoo kale loo doortay ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka, waxaana subaxii ka dib ciyaarti kooxdiisu ay guusha ku hanatay uu soo galiyay sawir uu sariirta kula jiro koobka iyo billadda uu ku guuleystay.
0 Comments