Imaaraadka Carabta oo Maanta Muqdisho Geeyay Gargaarkii Labaad oo Mucaawino ah.

Gargaar Imaaraadku ku Deeqay Somaliya

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho gaarsiisay deeq raashin ah oo loogu talagalay qoysaska ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya.

Waa deeqdii labaad oo ay dowladda Imaaraatku geyso magaalada Muqdisho isla sanadkan bilawga ah ee 2022.

Todobadii Bishii January ee sannadkan ayay ahayd markii Imaaraatku gargaar ballaaran oo raashin ah uu ku wareejiyay raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Imaaraatka ayaa dhawaan sheegtay in ay kodhinayso taageerada arrimaha bini’aadanimada ee Soomaaliya, kadib markii labada dal xiriirkoodu soo hagaagay.

Rooble oo dalkaas safar ku tagay ayaa hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Ugu danbayn Walaalaha imaaraadka carabta waxaan uga mahad celinaynaa deeqda iyo gargaarka ay marwalba la garab taagan yihiin shacabkeena somaliyeed, waxaanan leenahay ilaahay ha idinka abaal mariyo camalkiina suuban.

Post a Comment

0 Comments