Muuqaal laga baahiyey Ciyaartooyga reer Faransiis ee difaaca uga ciyaara kooxda West Ham United, Kurt Zuma oo bisad laadaya ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn xooggan.
Dhinacyada Kurt cambaareynta uu soo jeediyey waxaa ka mid ah kooxda West Ham uu u ciyaaraya lafteeda.
Booliska iyo ururrada u dooda xuquuqda xayawaanaadka waxay sheegeen iney dhacadaasi baaritaan ku hayaan.
Tageerayaasha Laacibkan oo aad uga xun falka uu Kurt Zouma ku dhaqaaqay ayaa xalay ku qaylinayey markasta uu ciyaartooygaasi kubbad uu taabto si ay ugu muujiyaan sida ay uga xun yihiin ficilka uu sameeyey.
Kooxda West Ham waxay sheegtay arrinta iney si hoose u eegeyso, iyada oo Kurt uu arrinta raalli gelin uu ka bixiyey.
Tababaraha West Ham David William Moyes wuxuu sheegay "Kurt waxa uu sameeyey iney wanaagsaneyn balse uu u makhraati kacayo inuu yahay ciyaartooyga ugu wanaagsan ee ay kooxdiisu haysato."
"Kurt Zouma oo 27 jir waxaa uu yiri: "Ficilka aan sameeyey raalli gelin ayaan ka bixinayaa. Si niyad ah ayaan uga qoomameynayaa waxa aan sameeyey oo aan wax qiil ah u haynin."
"Dadkii muuqaalkaasi daawaday waan uga tacsiyeynayaa waxa ay dareemeen. Waxaanna idiin xaqiijinayaa labadi bisadoodba iney bad qabaan."
0 Comments