Dhanka kale, waxay qaadday ilaa 30,000 oo heesood oo ka kooban noocyo badan kuwaas oo isugu jira 36 luqadood.
Lata Mangeshkar waxa ay ku dhalatay magaalada Indore ee bartamaha dalka Hindiya 28-kii Sebtembar 1929-kii. Aabaheed waxa uu ahaa heesaa, jilaa masraxyada gilgila iyo soo-saare riwaayadaha muusiga ee luuqadda Marathi-ga.
Waxay curad u ahayd shan caruur ah oo la dhashy, iyadoo walaalaheed ay raaceen wadadii ay martay, sidoo kalena waxay noqodeen fanaaniin caan ka ah Hindiya.
Wareysi lala yeeshay, Mangeshkar waxay ku sheegtay in qoyskeedu ay ku caan baxeen muusiga qadiimiga ah.
Weligeed waxbarasho toos ah ma yasan gelin. Gabar shaqaalo ah ayaa bartay alifbeetada Marathiiga, wadaadka deegaankana waxa uu baray Sanskrit, halka qaraabada iyo macalimiinteeda ay guriga ku bari jireen maaddooyin kale.
Xaaladda ayaa ku adkaatay ka dib markii aabaheed uu khasaaray ka dibna laguna khasbay inuu xiro shirkaddiisii tiyaatarka. Qoysku waxay u guureen galbeedka magaalada Poona oo la yirahdo (Pune).
Kadib geeridii aabaheed, qoysku waxay u guureen Bombay (oo markii dambe loo beddelay Mumbai).
Ugu dambeyntii waxaa wax u suurogashay inay wax wax ka jishay siddeed filim oo Marathi iyo Hindi isugu jira. Sannadkii 1947-dii, waxay samaynaysay nolosheeda jilitaanka filimada - laakiin kuma faraxsanayn.
0 Comments