Boqor Maxamed-ka Marooko ayaa tacsi u diray waalidiinta wiilka dhintay ka dib markii uu ceel ku dhacay maalintii Talaadada ahayd iyadoo tan maalintaas-na la waday dedaallo lagu soo bad-baadinayay.
Hase yeeshee Rayan ayaa ugu dambeyn xalay laga soo saaray ceelka soddonka mitir ah, ka dib markii ay sameeyeen gurmad ballaaran oo soo jiitay indhaha caalamka. Markii laga soo saaray ceelka waxaa goobtii ka qaadday Ambalaas balse geeridiisa ayaa la xaqiijiyay waxyar kadib uun markii la qaaday.
Bayaan ka soo baxay boqortooyada ayaa lagu shaaciyay geerida wiilka waxyar uun kaddib markii laga soo saaray ceelka kaddib dedaal muddo dheer qaatay oo la doonayay in lagu soo samatabixiyo.
Boqor Maxamed-ka 6-aad oo ah boqorka dalkaasi Marooko ayaa u tacsiyeeyay waalidiinta dhalay Rayan.
Iskudaygii lagu doonayay in wiilkaas godka loogaga soo saaro ayaa waxa uu soo jiitay indhaha dadka dalkaasi, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo uruureen ceelka halka kumannaan kun oo kalana ay dhacda kala socdeen dhanka online-ka.
Wiilka ayaa waxa uu ku dhacay ceel hoos u qodon 32m oo waxa uu kaga dhacay duleel yar oo biyaha laga soo saari jiray.
Howlwadeennada gurmadka degdega ayaa muddaba ku mashquulsanaa sidii ay wiilkaasi nolol ugu soo bixin lahaayeen, hasayeeshee waxaa dedaalladii ay wadeen curyaamiyay cabsi laga qabay in dhulku uu go'o.
0 Comments